Axmed Madoobe oo qorshe cajiib ah Kismaayo ku geynaya martida caleema saarkiisa

0

Iyadda oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xayiraad kusoo rogtay duulimaadka Kismaayo kahor caleema saarka Axmed Madoobe oo ay doorashadiisa qaadacday, madaxweynaha Jubbaland ayaa diyaariyey qorshe cusub.

Dad aad ugu dhuun-daloola arrimaha Jubbaland ayaa aaminsan in qorshaha cusub ay kaalin libaax ka ciyaareyso fududeyntiisa dowladda Kenya.

Xogo lagu kalsoonaan karo ayaa muujinaya in martida oo ay hogaamiyeyaal siyaasadeed ku jiraan ayaa diyaarad milatari looga soo qaadayaan magaaladda Nairobi, caasimadda waddankaas bariga Afrika dhaca.

Warbixinadda qaarkood ayaa tibaaxaya in sidoo kale martidda qaarkood la filayo in ay markab ku taaga magaala xeebeedka dekadda leh.

Munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa loo qorsheeyay 26-ka bishan September, balse waxay u muuqataa mid dib uga dhici karta, maadaama ay waqti badan qaadaneyso daabuladaada martida kala duwan.