Axmed Madoobe oo ka hadlay xariga Janan soona bandhigay sababta loo haysto

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa Saxaafada la hadlay markii ugu horaysay kadib Doorashadii 22 Ogoosto 2019 ee guusha uu isagu ku sheegtay.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo Afduubka loo haysto wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha reer Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hadda la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku ayna wax ka badalin wadada ay ku socdaan, sidda uu haddalka u dhigay.