Axmed Madoobe Muxuu Ka Sheegay Xafladii Caleema saarkiisa?

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) balse dib udoorashadiisa ay diiday Dawlada Soomaaliya ayaa waxa uu mar kale maanta ka hadlay Arimaha dalka ka jiro.

Waxa uu Axmed Madoobe mahad celin uu ujeediyey Dadkii kala duwanaa Ee xafladiisa maanta xaadiray uu ka waramay waxa xigi doona.

Isagoo ku celiyey in Dawlad Gobolleedka Jubbaland ay kusoo dhisantay Marxalad dhib badan ayna hadda waxa jira ay ka dhib yar tahay wixii hore.

Madoobe ayaa ku baaqay dib uheshiisiin,uuna diyaar u yahay mar kastana saldhigiisu yahay sidii wada hadal iyo wada xaajood lagu dhameyn lahaa mad madowga jira.

Waxa uu shaaca ka dhigay in si sharci ah lagu soo doortay oo ay Dawlada dhexe dagaal aan jiho laheyn maamulka Jubbaland kusoo qaaday.

Afar saac iyo Bar kadib Xaflad socotay ayaa 5:30 galabnimo lasoo gaba gabeeyey iyadoo madaxdii la casuumay loo galbiyey Hoteelada Magaalada Kismaayo iyo Guriga Martida Ee Xeebta ku yaalla.