Axmed Fiqi Oo Aar goosi ku sheegay Sababta Loo Beegsanayo Madaxdii Hore

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay wixii manta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxa uu si kulul uga xumaaday falkii lagu hor istaagay madaxdii hore Ee dalka soo xukuntay oo diyaarad ay ka raaci lahaayeen Garoonka cabaar la xanibay.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Madaxda Dalka hadda xukuma ay garan waayeen Heybada ay leeyihiin oo Xukun qof soo qabtay uu xushmad gaar ah mudan yahay.

Waxa uu ku tilmaamay Aar goosi ay wadaan Madaxda Dalka hogaamisa kuwaas uu sheegay inay tahay wax laga fiican yahay dhaqanada ay sameenayaan.