Home WARARKA Awoodda Ay Milliteriga Yuhuudda U Adeegsadaan Dadka Reer Falastiin Oo La Sheegay...

Awoodda Ay Milliteriga Yuhuudda U Adeegsadaan Dadka Reer Falastiin Oo La Sheegay Inay Tahay Dembi Dagaal

0
SHARE

Hadal qoraal oo ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human rights Watch soo saartay ayaa lagu sheegay in Awoodahaasi ka dhanka ah Dibadbaxayaasha Falastiin ee aan hubeysnayn xadgudub ku tahay Qaanuunka Caalamiga.

Qoraalka Hay’adda waxa uu ku soo beegmay iyado uu Golaha Guud ee QM caawa cod u qaadi doono in la cambaareeyo Tacadiyadda Askarta Yuhuudda u geystaan Dibadbaxayaasha Reer Falastiin.

Tan iyo bishii Maarso 30-da ee sannadkan, Askarta Yuhuudda waxay toogasho ku dileen ugu yaraan 120 Falastiiniyiin aan hubeysnayn, halka in ka badan 3,800 oo kalena la dhaawacay.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE