Home WARARKA Askari ka tirsan DF oo Qof Shacab ah Sabab La Yaab leh...

Askari ka tirsan DF oo Qof Shacab ah Sabab La Yaab leh ugu dilay Muqdisho (Wax ka Ogow)

0
SHARE

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow qof rayid ah ku toogtay meel aan ku dhow isgoyska afarta jardiino ee magaalada Muqdisho.

Ruuxa la dilay ayaa la sheegay iney wada murmeen Askarta ilaalada ka ah Isgoyska Afarta Jardiin ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku wada sugan yihiin Ciidamo Boolis iyo Nabad sugid.

Lama sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilka ruuxa rayidka ah,dad shacab ah ayaa goobta qaaday meydka ruuxa.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka naxeyn iney rasaasta la dhacaan dadka shacabka ah,mana jirta cid la xisaabtanta.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE