Askari Ilaalinayey Xildhibaan Oo toogasho Ka Geystay Muqdisho

0

Askari katirsan Ilaalada Xildhibaanka Maamulka HirShabelle ah ayaa waxa uu Galabta ku dilay Qof Shacab ah Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Degmada Xamar weyn C/qaadir Maxamed C/qaadir in Ciidamada Amniga ay qabteen gacan ku dhiiglaha.

Askariga ayaa dilka waxa uu ugeystay wiil Bajaajle Ahaa,xilli Afar irdoodka Xamar weyne Mashquul badan ka jiray ayuuna rasaas uu wadada ku furanayey Askariga waxay haleeshay Bajaajlaha.

Gudoomiye C/qaadir ayaa xusay in Askariga dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado ay ciidamadu qabteen isagoo tacsi udiray Marxuumka dhintay Ehelkiisa.

Waxa uu Gudoomiyaha Degmada Xamar weyne sheegay in Cadaalad la hor keeni doono gacan ku dhiiglaha,oo marxuumka uu dilay dhibka uu gaarsiiyey laga jari doono.

Dilalka Darawalada Bajaajleyda ayaa aad ugu soo badanayey Magaalada Muqdisho,xilli maanta la xukumay Askari Bishaan Bilowgeedii dilay Bajaajle kusugnaa Xaafada Tarabuunka.