Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad oo ka hadlay soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya

0

Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta xiriirka ay soo celiyeen ee Soomaaliya iyo Kenya.

Amiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin Laba dowladood oo deris ah kuwaa oo kala maarmin islamarkana ay muhiim tahay in ay kawada shaqeeyaan dhinacyo badan.

Amiirka ayaa sidoo ugu baaqay Soomaaliya iyo Kenya iney dib u furan isu socodka Labada Shacab iyo waliba iney ka wada shaqeeyaan arrimaha amniga iyo la dagaalnaka Al shabaaba.

Fariinta Amiirka ayaa ku soo aadeysa xili Dowladda Kenya ay beenisay in Dowladda Federalka Soomaaliya ay soo celisay xiriirkii ay la laheyd Kenya, waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay sheegtay in soo celinta xiriirkan ay qeyb weyn ka qaateen Beesha Caalamka iyo waliba Dolwadda Qatar.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Qatar ay dano siyaasadeed ka leedahay soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya iyadoo ujeedkeedu yahay shidaalka faraha badan ee ceegaga Lamu halkaa oo la filayo in maxkamadda ICJ loo xukmiyo.

Qatar ayaa dooneysa iney iska dhuuqdo shidaalka Soomaaliya iyadoo Boqolaal kun oo Dolller siineysa madaxda Kenya iyo Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia