Home WARARKA Amar culus oo la siiyay Hay’adaha Amniga G/Hiiraan & iney dhageystaan Guddoomiyaha...

Amar culus oo la siiyay Hay’adaha Amniga G/Hiiraan & iney dhageystaan Guddoomiyaha cusub

0
SHARE

Munaasabad xilka loogu wareejinayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa maanta waxay ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo Bulshada qeybaheeda kala duwaan kuwaasi oo Guddoomiyaha cusub ku booriyay inuu la yimaado aragti lagu horumarin karo Bulshada Gobolka Hiiraan.

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada,kan Gobolka,siyaasiyiin iyo Bulshada rayidka ah,waxayna dhammaantood isku raaceen iney la shaqeynayaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in muhiimada koowaad uu siin doono dib u heshiisiinta,dhageysiga iyo horumarinta deegaanka.

“ Waxaan idin balan qaadeynaa gaar ahaan haddaan koox u helno iyo haddii kaleba reer Hiiraan waxay u baahan yihiin dib u heshiisiin dhab ah mid xuduudaha mid deegaanada,mid dhaqanka iyo deriseynta u baahan yihiin,waxaan balan qaadayaa inaan iyadaasi shaqada ka bilaabo,” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa munaasabada ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle,wuxuuna sheegay in si rasmi ah laga bilaabo hadda uu Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan xilka ula wareegay waxna laga weydiin doono wixii qaldama.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa faray Hay’adaha amaanka sida Booliska,NISA iyo Ciidanka Xoogga dalka Gobolka Hiiraan iney hadda wixii ka danbeeya ay ka amar qaataan Guddoomiyaha cusub kuna shaqeeyaan amarkiisa.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE