Amar culus oo la dul dhigay saraakiisha Marka Cadeey kadib qaraxii dhacay

0

Xilli todobaadkii hore uu ka dhacay qarax goob garaash ah magaalada Marka ee caasimada gobolka shabellaha hoose ayaa shir looga hadlayey Amniga waxa maanta uu ka dhacay halkaasi.

Kulanka waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Marka C/llaahi Cali Axmed (Waafoow) iyadoo ay shirka ka qeyb galeen saraakiisha amniga ee magaaladaasi.

Waxa aad looga hadlay in la kordhiyo sirdoonka iyo ka hortega weerarada amni darada ah,iyadoo saraakiisha booliska la amray inay shaqadooda ugutaan sidii loogu xilsaaray.

Magaalo xeebeedka marka cadeey ayaa amnigeeda uu soo hagaagayey sanadihii dambe tan iyo markii Al shabaab laga saaray magaaladaasi.