Amaanka kismaayo oo aad loo adkeeyey & sababta ka dambeysa

0

Waxaa aad loo adkeeyey Amniga Magaalada Kismaayo,halkaasi oo ciidamada amniga ay sugayaan nabad gelyada iyo in laga hortego weeraro la sameyn karo.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii wafuud kala duwan ay halkaasi kuwajahan yihiin qaarna ay tegeen magaalada Kismaayo.

Waxay ka qeyb galayaan mas’uuliyiinta Kismaayo tegaya Aaska loo samenayo dhawaan meydka marxuum Maxamed Warsame Darwiish oo ahaa wasiirkii arimaha gudaha jubbaland maalmo ka horna ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Wasiirka amniga puntland C/samad Maxamed Gallan oo wakiil ka ahaa madaxda maamulkaasi ayaa maanta gaaray Kismaayo isagoo sheegay inay ka tacsiyadeenayaan geerida ku timid marxuum darwiish.

Sidoo kale xubno ka socda dawlada federaalka ayaa iyaguna lagu wadaa inay gaaraan Kismaayo waxaana madaxweyne Axmed Madoobe uu soo gaabiyey isaguna safar caafimaad uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka carabta si uu janaasada & duugta aaska uga qeyb galo.