Al Shabaab Oo War Maanta Duhurnimadii kasoo saaray Weeraro Ay Ku Qaadeen…

0

Ururka al Shabaab ayaa waxay maanta duhurnimadii ka hadleen weerar ay ka fuliyeen saacado ka hor labo Xarun ay Ciidamada AMISOM Kusugnaayeen.

Dagaal ayaa ka dhacay Deegaanka Arbacoow Ee Ceelasha Biyaha ku ag dhaw,waxaana halkaas lagu beegsaday ciidamo Burundees ah.

Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in Arbacoow ay ku laayeen Askar katirsan Burundeeska halkaasi deggan inkastoo tirada aysan sheegin.

Hoobiyeyaal ayey Ciidamada jawaab ahaan ubixiyeen kadib weerarkaasi lagu ekeeyey oo dhulka goofafka ah la dhaceen iyadoo Shacabka aysan meelahaasi degganeyn.

Sidoo kale waxay Al Shabaab warbaahintooda internet-ka ku sheegeen in ay beegsadeen Xero ciidanka Ugandha ka deggan yihiin deegaanka Lambar lixdan Ee Gobolka Shabellaha hoose.

Sidaas si la mid ah ma aysan soo tebin waxyeelada dhankooda Shabaabka gaartay iyo mida ay ciidankaasi Ugandha ka socda ay ku gaarsiiyeen.