Al Shabaab oo sheegtay ismiidaamintii galabta ka dhacday Muqdisho & xogta cusub

0

Kudhawaad 10 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxii gabal dhicii maanta ka dhacay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho iyadoo dhaawaca uu 10 ka badan yahay.

Ilaa hadda xog dhameystiran lagama hayo qaraxa balse al shabaab ayaa sheegtay caawa maqribkii in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkaasi oo ahaa mid uu fuliyey qof isa soo miidaamiyey.

Maqaaxi shaah ayaa qaraxa uu ka dhacay oo dad ay ku cabayeen kuna taalla agagaarka irida laga galo xerada xalane oo ah meel ay safaaradaha caalamiga ah ku yaallaan gudaha Muqdisho.

Waxa sidoo kale udhaw halka qaraxa uu ka dhacay dugsiga tababarka ciidamada general Dhega badan iyadoo Al Shabaab ay ku faaneen in qaraxaasi lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa dawlada Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegay in 11 Askari ku dileen Qaraxa iyadoo ay sidoo kale ku faaneen in 16 askari ku dhaawaceen isla weerarkaasi.

Wey adag tahay in xog badan la helo xilliga oo habeen noqday islamarkaana lasoo tebinayo in ciidamo ay goobta xireen oo looma dhawaan karo.