Al Shabaab Oo Kudhawaad 100 Oday Dhaqameed Soo Bandhigay & Qaar Kaamirada Ka Dhuuntay

0

Ururka Al Shabaab ayaa kusoo bandhigay Degmada Xarar dheere Ee Gobolka Mudug kudhawaad 100 Oday Dhaqameed ay ku sheegeen inay ahaayeen Ergadii soo xulay Xildhibaanada Soomaaliya.

Hool ku yaalla Xarar dheere ayaa loogu qabtay Xaflad iyadoo Saraakiisha Al Shabaab ay halkaasi kusugnaayeen lana sheegay in la cafiyey markii ay dalab cafis ah soo weydiisteen Maamulka Al shabaab.

Waxay 90 Oday dhaqameed Al Shabaab sheegeen in la cafiyey ka qeyb yihiin kuwo kale oo deegaanada ay xukumaan loogu soo bandhigay.

Kaamirada ayey Qaarkood ka dhuunteen oo ay shaal madaxa loo wada saaray Odayaasha ay iskaga xijiyeen si aan hadhoow loo aqoonsan markii ay ku laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

Waxay Odayaashani ka qeyb ahaayeen kuwii Deegaanada Galmudug kasoo xulay Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo hore Maamul Gobolleedyada iyo Dawlada Dhexe ka digeen in aan loo hogaansamin uyeeritaankii Al Shabaab.