Al Shabaab oo dagaal kula wareegay saldhig ciidanka Dawladda lahaayeen

0

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ka dhacay Dagaal xoogan oo udhaxeeyey Kooxda Al Shabaab iyo ciidamada Dawladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa weeraray saldhiga ciidanka Meliteriga ku lahaayeen Deegaanka Deynuunaay,waxaana jira khasaaro kala gaaray labada dhinac ee diriray.

Dagaalka ayaa waxa daqiiqado uu socday kadib Al Shabaab usuurta gashay inay la wareegaan saldhiga ay weerarka ku ekeeyeen.

Wararku waxay sheegeen in ciidamada meliteriga Soomaaliya qeybta lixdanaad ayaana dib uga saaray al shabaab saldhiga deynuunaay,waana ay la wareegeen.

Deynuunaay oo 18 km ujirta Baydhabo waa saldhiga laga ilaaliyo magaalada caasimada kumeel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Baydhabo Janaay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo al shabaab weerar ku qaadaan deegaanka deynuunaay,waxaana ciidamo xoojin u ah kuwii hore ujoogay saldhiga la weeraray maanta ay baydhabo ka baxeen.