Al Shabaab & Dawlada Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Weerarkii Maanta Awdheegle

0

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa ku waxyeeloobay Weerar maanta Al Shabaab ku qaadeen Fadhiisimo ay ku lahaayeen degmada Awdheegle.

Waxay Al Shabaab warbaahintooda ka sheegteen inay Tobaneeyo Askari ku dileen weerarkaasi oo Qaraxyo Ismiidaamin ah ay u adeegsadeen.

Shacabka ku dhaqan Awdheegle waxay sheegeen inay maqlayeen Jug weyn oo qaraxyada ah iyo Rasaas dhaceysay muddo,inkastoo aysan khasaaraha ogaan Karin inta uu la eg yahay.

Al Shabaab sheegashadood waxa beeniyey Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka Ee Awdheegle jooga iyagoo tibaaxay inay iska difaaceen Weerarkaasi.

Xog faah faahsan oo ka baxsan dhinacyada is haya ma jirto,waxaana isbuucii hore Al Shabaab laga saaray Awdheegle oo ay u aheyd meel muhiimad ka dhigteen oo dadka Maxkamadaha Garsoorka ugu tegi jireen.