Al qaxtani oo diiday inuu wadajir ula kulmo maanta Guudlaawe & Qoor qoor

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta qaabilay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta Mudane Dr Multaq  Al-qahtani.

Kulankaan intii uu socday waxa ay ka wada hadleen xaaladaha Dalka, arrimaha Doorashooyinka oo muhiimada ay tahay in doorashooyin wada ogol ah ay dhacaan Iyo In Dowladda Hirshabeelle ay ka caawin doonaan ka faaideysiga mashaariicyo bulshada wax tar u leh.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Galmudug  Mudane  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa isna maanta Muqdishu kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee ka socday Dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed soomaaliya Cabdi casiis Lafta gareen ayaa galabta soo gaaray Muqdisho si uu ula kulmo Al Qaxtani.

Weli lama sheegin sababta uu Qoor qoor iyo Cali Guudlaawe siyaabo gooni gooni ah ula kulmay Al Qaxtani hayeeshee ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu xogo badan uruurinayo oo qof walbo fikirkiisa ka dhageysanayo.