Home WARARKA AKHRISO; Xildhibaan runta ka sheegay sababta loo xiray Waddooyinka Muqdisho (Arag Sawirada)

AKHRISO; Xildhibaan runta ka sheegay sababta loo xiray Waddooyinka Muqdisho (Arag Sawirada)

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amaray in shacabka loo fududeeyo marida Waddooyinka magaalada Muqdisho lana furo Waddooyinka xiran.

Shacabka qaar ayaa sheegay inuu dhaqan galay amarka madaxweynaha,islamarkaana shacabka si istireex ah ku marayaan waddooyinka,Ciidamada si wanaagsan Shacabka ula dhaqmayaan.

Xildhibaan Cabdi Wali Max’med Qanyare oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu ku faafiyay baraha bulshada bulshada ku sheegay in xadgudub daran lagu hayo shacabka Muqdisho.

Xaaladdaan adage ee magaalada Muqdisho ka taagan ayaa ku soo aadeysa,xilli ay soo dhowdahay bilashada Ciidul Fidriga oo Shacabka Muslimiinta ah u dabaal degayaan.

Waxaana Arrintaan lagu saleeyay adkeynta amniga Muqdisho oo laga cabsi qabo iney weeraro qaraxyo ah ka fuliyaan Al-Shabaab.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE