Home WARARKA Akhriso Warsaxaafadeed ay AMISOM kasoo saartay Xasuuqa Ciidankeeda ka geysteen Muqdisho

Akhriso Warsaxaafadeed ay AMISOM kasoo saartay Xasuuqa Ciidankeeda ka geysteen Muqdisho

0
SHARE

War-saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Ururka uu baaritaan dhab ah ku sameynayo dhacdada ay ku dhinteen afarta qof ee rayidka ahayd ee ka dhacday Ex Koontarool Balcad Degmada Huriwaa.

Qoraalka AMISOM ayaa looga tacsiyeeyay ehelka dadka dhintay,waxaa kale oo lagu sheegay in Ciidamada AMISOM tababarkooda ay ka mid ahayd dhowrista xeerarka caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Waxaa lagu sheegay in baaritaankaas la wadayo ilaa caddaaladda laga horkeeno askarta ku lugyeelata.

AMISOM waxaa ay sheegtay in baaritaankaas ay la kaashaneyso Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana la wadayo inta laga dhameystirayo.

Tiro dhowr jeer aha ayey sidan oo kale Ciidamada AMISOM dilal ugu geysteen dad Soomaali ah,waxaana ugu dambeeyay Askari ka tirsanaa Ciidanka Jubaland oo Ciidamada Kenya ay shalay gaari ku jiirsiiyeen Magaalada Kismaayo,halkaas oo uu ku geeriyooday.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE