Home WARARKA AKHRISO: Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha G/Banaadir Guddoomiye cusub loogu magacaabay degmada...

AKHRISO: Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha G/Banaadir Guddoomiye cusub loogu magacaabay degmada Hodan

0
SHARE

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa Gudoomiyaha Degmada Hodan loogu Magacaabay C/xakiin C/raxmaan Ciise Dhagajuun kaasi oo la filayo in uu dhawaan xilka la wareego.

Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa waxaa horay u ahaa Maxamed Axmed Cantoobo,balse laga qaaday,ka dib markii loo magacaabay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE