Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa maanta la filayaa in kulamo toos ah iyo kuwa qadka ah iney la yeelato madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo sidoo kale madaxda dowladda Federalka oo muddo xileedkoodu dhamaaday.
Puntland iyo Jubbaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa waxa ay ka dhageesan doonaan warbixinta shirka ay xukumada xilgaarsiinta ay sheegtay in uu ka socon waayay dhanka Jubbaland iyo Puntland.
Illo dublimaasiyadeed ayaa ku waramay in ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo Amp Donald Yamamoto ay horkacaya wadahadalan, ay sidoo kale telefoonka kula xiriiri doono madaxda dowlada federaalka ee mudo xileedkoodu dhamaaday.
Beesha Caalamka ayaa horey waxay madaxda Soomaalida u siisay muddo hal asbuuc ah in ay ku xaliyaan khilaafka doorashooyinka, fursadaas oo muuqata in ay burburtay isla markaana hada u badan tahay in faragelin toos ah ay sameeyaan.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa markaan bilaabay dedaalo weji cusub leh kaasoo horseedi kara – in cadaadiska ku xoogeysto madaxda Soomaalida iyo in ay geedi-socodka doorashada ay la wareegaan maadaama madaxdu ku guuldaraysteen in ay xaliyaan khilaafka doorashada.
Qodobada ugu waa weyn ee ku adkaan doono Beesha Caalamka iney heshiis kaga keento madaxda Soomaalida ayaa kala ah.
1: In MW Farmaajo dalbaday in gobolka Gedo loo dhiso maamul madaxbannaan, kaas oo la isku mari waayey
2: In Nabadgelyada iyo Amniga doorashooyinka laga wareejiyo madaxweynaha oo lagu wareejiyo Ra’isul Wasaaraha.
3: In wax laga badalo guddiga lagu muransanyahay doorashooyinka
4: iyo In Natiijada ka soo baxda shirka loo helo Dammaan-qaade (Grantor) oo Beesha Caalamka ah.
Sidoo kale waxaa jira qodobyo ay wataan midowga musharaxiinta kuwaa oo kala ah in shaqada laga ceyriyo saraakiishii ku lugta lahaa weerarkii 19-kii February iyo inuu Farmaajo saxiixo warqad uu ku dhimayo awoodihiisa siyaasadeed.
Mogadishu-Somalia