Akhriso: Maxaa ka jira in la masuq maasuqay Mashruucii Baxnaano ee Farmaajo daah furay?

0

Xeer ilaaliya Qaranka Dr Suleeymaan Maxamed Maxamuud  ayaa beeniyay in la Masuq maasuqay Marshuurca Baxnaano oo Madaxdaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu daahfuray Abriil 18, 2020,kaas oo loogu talagalay in wajigiisa 1 aad ay ka faa’iidaystaan 1.3 Malyan oo qof.

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka ayaa lagu beeniyay war uu daabacay wargayska Horn Observer.com, kaas oo dhawaan daabacay in la masuq maasuqay Mashruucaan oo ay ku baxayso lacag dhan 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sidoo kale ku Hanjabay in uu caddaalad la tiigsanayaan Warbaahinta ka been abuurtay mashruuca baxnaano sida lagu caq warqada ka soo baxday Xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Mashruucaan ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta sheegay in ay gacanta ku hayaan hay’adaha  WHO IYO UNIFEC oo kaa shanaya wasaarada Sharaqa iyo arimaha Bulshada Soomaaliya, waxa uuna ku timaamay warbixinta wargaysku qoray oo ah in si qaab daran loo maareeyay Mashruucaan ay tahay “been abuur isla markaana uu sharciga la tiigsanayo”.

Muxuu qoray Wargayska Hornobserver?.

Wargayska Hornobserver ayaa daabacay in Xafiiska Xeer ilaalinta Soomaaliya uu baaritaan ku haayo boqolaal kun oo lacag ah oo loogu talagalay ka hortaga Xanuunka Covid-19 iyo nafaqadara oo ay lunsadeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

“Tuhunka ayaa yimid kadib xariga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, C / llaahi Xaashi iyo Agaasimaha Maaliyadda ee Wasaaradda, Maxamud Maxamed Buule bilowgii Abriil kadib markii masuuliyiintu laga waayay boqolaal kun oo lacagta gargaarka ah taas oo la doonayay in lagu qarash gareeyo ka hortaga Xanuunka” ayuu daabacay wargayska.

Wargaysku waxa uu daabacay in masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda lagu tuhmayo musuq lana dhigay xabsiyada Booliska si baaritaan loogu sameeyo.

“ Kuwa la qabtay hadda waxaa ku jira dhowr iyo toban sarkaal oo sare oo ka shaqeeya waaxayaha caafimaadka, nafaqada iyo dhalmada ee Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale maareeyayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay ee lagu tuhunsan yahay in ay gacan ka geysteen boobka” ayuu daabacay wargayska.

“Xafiiska Xeer ilaalintu waxa ay sidoo kale baaritaan ku hayaa wasaarado kale iyo mas’uuliyiin kuwaasoo, sida aan aaminsanahay ay ku lunsadeen hanti dowladeed. Waxaan jecelnahay inaan u xaqiijiyo dadka Soomaaliyeed inaan sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaban doonno, ”ayuu wargaysku ka soo xigtay Xeer ilaaliyaha qaran Dr Sulaymaan.

“Ku dhawaaqida Xeer ilaalinta ayaa timid iyadoo baaritaanno cusub lagu wado eedeymo ku saabsan lacago la waayey oo la xiriirinayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa oo ku saabsan barnaamijka ‘Baxnaano Programme’ ee dhowaan la bilaabay, kaasoo ah mashruuc ay dowladdu hoggaamineyso oo lagu bixiyo lacago xawilaad ah. taageero qoysaska saboolka ah ee 21 Degmo oo dalka oo dhan ah. Barnaamijka waxaa taageera hay’ada cuntada adduunka” ayuu daabacay wargayska Hornobserver.

Dowladda Soomaaliya waxaa wali u xiran Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Cabdulaahi Xaashi iyo Agaasimaha Maaliyada Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Maxamud Maxamed Buule ku waas oo loo haysto ku lug lahaanshaha Masuq maasuq.

Ka dib xiritaanka Agaasimayaasha waxaa shaqada Wasaarada Caafimaadka inteeda badan la wareegay shaqaale ka socda Xafiiska Wasiirka 1 aad ee Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre sida Xubno ka tirsan Wasaarada u sheegeen Mustaqbal.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dadaalayso la dagaalanka Musuq maasuqa waxaana horay loo xiray Masuuliyiin Dowladeed oo lagu tuhmayo Masuq, inkastoo uusan jirin sharciga ladagaalanka Masuq maasuqa oo ay meel mareen Golayaasha Dowladda Faderaalka Soomaaliya.