AKHRISO: Guddiga qabanaya doorashada oo fariin deg deg ah udiray murashaxiinta

0

Guddiga Baarlamaanka ee qabanaya doorashada madaxweynaha soomaaliya ayaa waxay fariin deg deg ah udireen murashaxiinta utaagan xilka madaxweynaha.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.

Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda.

FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.

Wixii faahfaahin ah kaga soo jawaaba nambarka guddiga ee farriintu idin kaga timid.

MAHADSANIDIIN.