Akhriso: Guddiga doorashada Galmudug ee Xaaf uu magacaabay oo jadwal doorasho soo saaray

0

Guddiga doorashada Galmudug, gaar ahaan garabka uu magacaabay Madaxweyne, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan doorashada guud ee maamulkaasi.

Jadwalka guddiga ayaa lagu shaaciyay in doorashada guddoonka baarlamaanka ay dhaceyso 25-ka bishaan Janaayo ee 2020-ka

Sidoo kale waxaa qoraalkaan lagu sheegay in diiwaan-gelinta musharaxiinta Mmdaxweynaha ay bilaabaneyso isla 27-ka bishaan, kadibna doorashada madaxweynaha cusub la qaban doono  1-da bisha soo socota ee sanadkaan 2020-ka.

Jadwalkaan ayaa ah mid ka duwan kii ay soo saareen guddiga farsamada ay dowladdu magacawday, kaas oo ka howlgalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda Galmudug ayaa u muuqata mid cakirmeysa,waxaana laga war dhowrayaa Jawaabta Dowladda Federaalka ay ka bixiso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Xaaf uu ka wado Gaalkacyo Jadwalka doorasho ee la soo saaray.

      Halkaan Hoose ka Akhriso Jadwalka doorashada:-