AKHRISO: Dawlada Soomaaliya Oo Markii 1aad Bulshada Digniin Loo Baahnaa War gelisey

0

War kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxaa loo diray bulshada ku dhaqan Magaalada muqdisho digniin ah inay feejignaadaan.

Waxay Booliska sheegeen inay ka war heleen Macluumaad dhinaca saadaasha cimilada ah oo tilmaameysa in Roob mahiigaan ah laga yaabo in saacadaha soo socda Magaalada kusoo foogan yahay.

Taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Zakiye Xuseen Axmed ayaa waxay soo saartay Digniintani iyadoo qoraal kooban soo dhigtay Barteeda gaarka ah ee Internet-ka.

“Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska ayay tiri” Zakiya Xuseen Axmed.

Waxay sheegtay General Zakiya inay Caawinaad Bulshada hadii ay Laamaha amniga uga baahdaan Booliska ay soo wici karaan 991 oo ay gurmad siin doonaan.

Waa markii ugu horeysay oo Dawlada Soomaaliya digniin loo baahnaa bulshada la wadaagaan dhinaca saadaasha cimilada iyo roob la filayo oo digniin laga sii bixiyo saameyn ka dhalan karta.

Roob mahiigaan ah oo dhawaan ka da’ay Muqdisho waxa uu maasheeyey meelo badan,jidad dhisnaa ayaa daadadkii soo rogmaday ay bur buriyeen,guryo shacab degganaayeen ayaa dumay oo khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed intuba ka dhashay.