Akhriso: Bayaan kasoo baxay shirkii culimada ugu soo dhamaaday Muqdisho

0

Culimada Soomaaliyeed ayaa galabta soo gunaanaday bayaana ka soo saaray Shirweyne uga socday maalmihii dambe Muqdisho inta udhaxeysay 23-26-Jannaayo 2023.

Culimada ayaa bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab.

Qodobada ugu muhiimsanaa shirka kasoo baxay ayaa ahaa:

1- Culumada Soomaaliyeed ayaa cadeysay in dagaalka lagula jiro Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish uu yahay jihaad lagu difaacayo maqaasidda waa weyn ee Shareecada Islaamka: badbaadinta diinta, nafta, hantida, caqliga, iyo sharafka qofka aadanaha ah.

2- Culumada Soomaaliyeed ayaa cod mideysan ugu sheegay Shacabka, in kooxaha Al- Shabaab & Daacish, ay yihiin dembiileyaal Khawaarij ah oo qofkii ka dhintaa uu dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay), waajibna ay tahay in lala dagaalamo, qofkii ay dilaan loo rajeynayo Shahiidnimo.

3- In la macaamilka kooxahan nooc kasta uu yahayba iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka.

4- In Qof kasta oo xogtooda la wadaaga Dawladda uu ajar uga helayo Alle agtiisa maadaama uu ka qeybqaatay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

5- Culumada Soomaaliyeed ayaa u soo jeedisay Madaxweynaha Soomaaliyeed Dr. Xasan Sheekh Maxamuud in uu xil gaar iska saaro dhammeystirka Dastuurka KMG ah oo dib-u-eegistiisu ay qaadatay muddo aad u dheer maadaama xasiloonnida siyaasadeedee dalka ay ku xiran tahay dastuur dhammeystiran.

6- Culumada ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta in la wada ilaaliyo xalisoonnida Dalka iyo midnimada iyada meel looga soo wada jeesanayo laguna gacansiinayo Dawladda dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah.