Akhriso: Ajandayaasha ay kala wataan mucaaradka & DF ee shirka Decale

0

Maanta ayaa lagu wadaa in dhinacyada dowladda federaalka ah iyo musharaxiinta ay ku kulmaan magaalada Muqdisho si xal looga gaaro ismariwaaga.

Wararka ku xeeran dadaallada dhexdhexaadinta ah oo ay wadeen odeyaal iyo dad kale ay dhanka dowladda u matali doonaan ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyo madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qooroor  iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo musharaxiinta oo dhanka kale ah, waana kulan qado ah oo ka dhcaya Décalé oo ah hotel ku yaala gudaha Airportiga.

Ilo xog-ah oo shirkani ku dhow dhow ayaa shabakadda Warqaad u xaqiijiyay in ajendayaasha ay wataan mucaaradka ay ka mid yihiin:

In Cudurdaar laga bixiyo, lana ciqaabo taliyeyaashii hey’adaha amniga ee weerarkii February 19

In guddi madaxbannaan loo soo saaro baarista wixii dhacay February 19

Iney dibadbaxa la fasaxo

Iney mucaaradka iyo bulshada rayidka qeyb ka noqdaan shirka wadatashiga

In shirka loo sameeyo korjoogteyaal beesha caalamka

In shirka lagu qabto goob ammaan ah,

In la dhiso gole fulinta heshiiska

In la xalliyo cabashada ka taagan kuraasta waqooyi, oo loo madaxbanneeyo.

In ra’isul wasaaraha xil gaarinta uu sii wado hawlaha xilliga kala guurka.

Dhanka kale, ilaha  arrintani u dhuunduleela waxaa ay Warqaad u sheegeen in in dhanka dowladda ay wataan in dibadbaxa berri dib loo dhigo, oo maalin kale laga dhigo, iyaga in mucaaradka kala shaqeeyaan arrimaha doorashada iyo saxiixa natiijada shirka Baydhabo ee guddiga farsamo ee 15-16-ka February 2021.