Home WARARKA Akhri Warsaxaafadeed: Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Go’aanka ay ka gaareyso...

Akhri Warsaxaafadeed: Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Go’aanka ay ka gaareyso Xiriirka Imaaraadka

4
SHARE

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aya lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka lagu soo celin lahaa loona xallin lahaa ismaan dhaafka labada dowladood.

Kaddib markii 8dii Bishan April dowladda Federaalka ah ay Magaalada Muqdisho ku qabatay diyaarad sidday Lacag dhan $9.6Milyan oo doollarka Mareykanka waxaa cirka isku shareeray xiriirka labada dowladood.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in xiriirka labada dal caadi lagu soo celiyo islamarkaana waxaa dowladda Imaaraadka looga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadatay la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada kale ee ay ka waddo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lagu sheegay in ismaan dhaafka labada dowladood yahay mid laga gudbi karo iyada oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in labada dowladood ay wadaagaan xiriir Taariikhi ah,mid dhaqaale,Amaan iyo xiriirro kale oo badan.

Waxaa kale oo lagu xusay in dowladda  Soomaaliya ay sameyneyso horumar dhinaca dowladnimada ah,iyada oo dib u dhiska Hay’adaha dowladda ka shaqeyneysana ay diyaar u tahay in ay dowladda Imaaraadka sii waddo dadaallada taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya,waxaana ay dowladda Soomaaliya sii jeediysay in laga gudbo wixii is faham waa ah ee dhawaan soo kala dhexgalay labada dowladood.

Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka ayaa loogu mahad celiyay beesha Caalamka dadaalka ay ugu jirto dib u soo celinta dowladnimada,amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE

4 COMMENTS

  1. waxaa ii muqda in dawladaha suudan, somaliya, jabuuti iyo imaraadkaba lagu qanciyey in siyasadii mandaqada carabtu is bedeshay oo maanta loo baahan yahay in si walaalnimo ah leysku garabsado, taas oo aad moodo hadeey dhab tahay ineey muujineyso in dalalka suudan, jabuuti , imaaradka iyo somaliya ay maanta yihiin garbo simin oo u baahan in mid kasta ka kale ixtiraamo midnimadiisa iyo madaxnimadiisa qaranimo.

    waxaa iyana jirta in hoosta laga xariiqo ineey jiraan balanqaadyo aan hada shacabka loo soo ban dhigi karan madaama kuwii horeba weli la sugayo.

    si kastaba ha ahatee waxaa hada aniga shaqsiyan ii muuqda in la gaadhay Gentlemen Agreement mana aha arin xun marka maanta la eego sida xaalku yahay mandaqadaha carbeed iyo sida dadka degini ugu baahanyihiin ineey helaan nabad, nolol iyo xasalooni waarta..

  2. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.WAXANI MA BARYOOTAN BAA MEEDAY IS XARIIFINTII IYO UAE DALKA HALLAGA SAARO HADDAY XAQIIQADA WAAJAHDAY DAWLADDA DAWAKHSAN EE TALLAABADAY QAADOBA DHIIDHIGA DHEX JIIFSANAYSA MARKAY ARKEEN INAAN AMARKOODII XATAA KA SOCON WAAYAY PUNTLAND EE GAAS RAALLI GELIN SIIYAY UAE.MIYAY MIYIR BEEL ASQOOBEEN,MURAARADILLAAC MA QUUSTEEN.OO MAY MARKA HORE KA FIIRSADAAN TALLAABADA AY QAADAYSO INTAY KA NOQONAYSO LABA CASHO DABADEEDBA KKK WAXAASAA DAWLAD LA DHAHAA DAWLADEEY XAAL QAADO.

  3. WARKANI WUXU KU SAX YAHAY SIDATAN:- DFS OO SOO SAARTAY WAR SAXAAFADEED CALAACAL AH XILLI UAE KU DHAWAAQDAY JOOJINTA TAAGEERADII AY SIIN JIRTAY SOMALIA. AAR TARTIIB USOCDA HANA ISMOODINA DAWLAD KA WAKIIL AH SOMALIDA KKKKKKK XATAA SOOMAALIDII TALYAANI KA XOROWDAY EE WAXAAD TIHIIN MAAMULKA BANAADIR EE TAA FAHMA SHACABKAANA USHAQEEYA WAATII LAGU KALA TEGAY DAWLAD SOOMAALI KA DHEXAYSA 1991KII.OO HORTA AMARKA DAWLADDU MAKA DHACAA PUNTLAND KKKKK MAYEE MUQDISHOBA MA DHAAFSANA.TOGBA TAAGTII BUU ROGMADAA EE GUUXIINNA HAKA DHEERAYNINA EE INTA LA HELAYO SOOMAALI WAX ISKU RAACSAN YAANAY XUKUUMADDA MAQAAR SAARKA AH EE XAMAR FADHIDAA KU RIYOON IN HADALKEEDU SAAMAYN YEESHO WAXNA AY UYEEDHISO MAAMULLO KA DA’WEYN.

LEAVE A REPLY