Agaasimihii Hab maamuuska Madaxtooyada Soomaalia Oo U Baxsaday Waddanka Turkiga

0

Sida ay ku warameen ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Agaasimihii Hab maamuuska Villa Soomaaliya uu ubaxsaday Waddanka Turkiga.

Siciid Warsame Kampalla ayaa la sheegay inay ka dhaalatay in uu u ambabaxo Dalka Kadib muran dacwad dhul la isku heystay uu kiiskaasi ku lug yeeshay.

Agaasimaha Baxsaday ayaa lagu sheegay inuu awood ciidan u adeegsaday dad dacwad kala dhaxeysay guri kuyaalla Degmada Xamar weyne.

Waxa maxkamad ay xukuntay guriga la isku heystay in Qoyska Siciid Kampalla laga guuleystay taas oo sabab ka dhigtay in cidanka Madaxtooyada isagoo adeegsanaya uu weeraro xilli habeen ah dadka guriga loo xukumay.

Shalay oo isniin aheyd aheyd ayuu Siciid Kampalla ka raacay diyaarad Magaalada Muqdisho isagoo gaadiid uu isticmaali jiray la amray in lasoo wareejiyo Maxkamadana waxay ujartay Waaran lagu qabanayo hadii mar kale uu dalka kusoo laabto.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in sidoo kale laga tiray Aqoonsigii Madaxtooyada Soomaliya uu heystay Siciid Kampalla.