Agaasime kuxigeenka Warbaahinta Goob Joog Oo Loo Xiray Labo arin Halis Ah

0

Agaasime kuxigeenka Idaacada Goob Joog Ee Magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Gurbiye ayaa waxa looga yeeray Maanta gelinkii hore Xarunta CID Ee Muqdisho.

Agaasimaha Goob Joog ayaa sheegay in Gurbiye looga wacay Xarunta Dembi baarista Booliska Ee CID-da Muqdisho,iyadoo la sheegay loo heysto Aflagaado uu ku sameeyey Madaxda Qaranka.

C/casiis Gurbiye ayaa ahaa Mid Xogaha Cudurka Covid 19 si weyn Bulshada ula wadaagayey xitaa Wasaarada Caafimaadka ayuu kaga hormarayey wararka Corono la xiriira.

Balse Shalay waxa uu sameeyey Qoraal uu C/casiis Gurbiye ka daabacay uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaatay Qalabkii Mashiinka Neefta Siiya Sambabada oo ay Cusbitaalka Martiini isticmaalayeen.

Sidoo kale C/casiis Gurbiye ayaa dhawaan Weerar Qoraal uu sameeyey kaga hadlay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre,iyadoo lala leeyahay waxa uu Labadaas Arin ku wajahayaa Eed loogu soo jeediyey.

Wasaarad Caafimaad Ma Jirto e, ee Farmaajow Naga Qabo Kheyre!

Saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee JFS ayaa goordhow ii xaqiijiyey in wasaaradda Caafimaadka uu hareeyey maamul la’aan iyo jahawareer badan, oo waa tii la xiray agaasimihii guud, agaasimihii maaliyadda halka midkii sheybaarka iska tagay, taasi waxay keentay in agaasime waaxeedyadii kale ee hayey Datada, qeybaha kalana madax ka ahaa ay xafiisyadii xiraan, oo telefannada densadaan iyada oo ka baqaya inuu sameeyo kiiska lagu sheegay musuqa!