Agaasimaha SNTV oo ka hadlay eedeyn kaga timid Villa Somalia

0

Maamulka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka jawaabay eedeyn culus oo kaga timid Villa Somalia taa oo ku aadan inaan lasii deyn khudbadii Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka agaasimaha SNTV Sharmake Maxamed.

Maamulka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Wuxuu caddeynayaa in Khudbaddii Madaxweynaha ee xalay ay na soo gaartay goor dambe, isla markii ay na soo gaartayna aannu soo gelinay TV-ga.

Daahista khudbaddu waxa ay ka timi xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo meelo kale ku horreysiiyey, Sidoo kale ma jirto taageeryaaal (followers) ka laabtay page-ka SNTV, waxa na follow gareeyay 1.2 million oo qof waana sidoodii. Sidoo kale waxa SNTV jecel ama like siiyey 762 kun oo qof oo Reer Facebook ah.

Beeni raaad maleh.

Waad mahadsan tihiin

Sharmarke Maxamed Warsame
Agaasimaha SNTV1 iyo SNTV2