AFRICOM oo bogaadisay shan sano kadib howlgallada ka dhanka ah Al shabaab ee dalka ka socda

0

Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa bogaadiyay howlgalkii amniga ee ‘ugu weynaa’ ee muddo shan sano ah ka dhanka ah Al-Shabaab, sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.

Taliska Mareykana ee Afrika ayaa bayaankooda waxay ku shaaciyeen in howlgalkan ay fuliyeen ciidamada isku dhafka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Hase ahaatee, ma aysan caddeyn goobaha ay ka fuliyeen. Balse wuxuu warkan kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay howlgalo xooggan ka socdeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgaladaas oo ay kaalinta ugu weyn lahaayeen dadka degaanka ee la baxay “Macawiisley” ayaa lagu xoreeyay in ka badan 30 degaano, sidda uu sheegay milatariga Soomaaliy.

Sidda ay baahisay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, inta uu socdey howlgalkaas ayaa lagu dilay “in ka badan 200 dagaalame Al-Shabaab laguna soo qabtey 300 maxaabiis ah”

Dhanka kale, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn ay 18-kii September kula beegsadeen AlShabaab meel u dhow magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan kadib markii ay weerareen ciidamadda Soomaaliya.

AFRICOM ayaa, sidda ku xusan bayaanka uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, waxaa duqeynta ay dishay “27 argagixiso ah” aysana jirin waxyeelo shacab.

Weerarkan drone-ta ah ayaa “lagu fuliyey codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay U.S. Africa Command (AFRICOM). Dhanka kale, dowladda ayaa ka mahadcelisay duqeyntaas.

Muqdisho-Somalia