Xeer ilaaliye kuxigeenkii maamulka Puntland oo geeriyooday

0

Mas’uuliyiinta Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyey geerida xeer ilaaliye katirsanaa Puntland oo manta xijaabtay.

Xeer ilaaliye kuxigeenkii Guud ee Puntland, Maxamed Xareed Faarax ayaa ku geeryoodey dalka Hindiya oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa.

Sida ay sheegeen eheladiisa muddooyinkii lasoo dhaafay ayuu marxuumka ku jiray cusbitaal ku yaalla Hindiya isagoo ugu dambeyn ku xijaabtay.

Waxaa lagu xasuusan doonaa marxuumka doodihiisii adkaa iyo kiisas badan oo uu u dooday sida kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabadhii gaalkacyo lagu kufsaday si wadar ah kadibna la dilay.