8 Qodob Saameyn Lahaa War Murtiyeedkii Murshaxiinta soo saareen (Akhriso)

0

Shan Cisho kadib waxaa shirkii Murashaxiinta Madaxweynaha uga socday Muqdisho waxa maanta oo khamiis aheyd laga soo saaray War murtiyeed 3 Bog ka koobnaa.

Qodobo dhowr ah oo inta badan ka dhan ah Madaxda Dalka Hadda hogaamisa ayaana laga soo saaray qaarkoodna Go’aano culus ay ku jireen.

Ridwaan Xersi Maxamed oo ah Afhayeenkii Murashaxiinta Ku shiray Muqdisho ayaa sheegay in ay iyagu qodobada ay soo saareen ku saleeyeen bad baadinta dalka iyo Dadka.

War murtiyeedka Go’aanada ku jiray ayaa waxaa ka mid ahaa:

  • In Doorashada Soomaaliya ka dhaceysa loo daayo Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM oo Amniga sugaan lagana fogeeyo NISA iyo Meliteriga.
  • In Cabdi Xaashi Cabdullaahi loo madax baneeyo soo magacaabida Xubnaha Guddiga Doorashada Ee soo xulaya Xildhibaanada Gobollada Wuqooyi kasoo galaya Soomaaliya.
  • In Fahad Yaasiin iska casilo Hay’ada NISA maadaama ay sheegeen Murashaxiinta inuu yahay Madaxa Ololaha doorasho Ee Madaxweyne Farmaajo
  • In la kala diro Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,lagana ilaaliyo Ciidan iyo Shaqaale Dawladeed in lagu soo daro
  • In Madaxweynaha Dalka xilka kasii dhamaanayo uu joojiyo ku tagrifalka Hantida Qaranka,islamarkaana ay ka digayaan in Olole doorasho lagu galo
  • In ay qaban doonaan Doorashada Guddi gaar ah hadii ay Dawlada hadda jirta u arkaan mid tallaabo aan wanaagsaneyn uqaadeysa Qabashada doorasho xilligeeda ah
  • In Ciidanka Dawlada ee loo daabulay Gobolka Gedo dib looga soo saaro halkaasi ka hor doorashada intaysan dhicin oo ay Murashaxiinta dalbadeen
  • In Qoondada Haweenka 30% siyaasada lasiiyo oo aan lagu xad gudbin