Dowladda Kenya oo ka hadashay xiriirka dib loo soo celiyay oo DF ay la laheyd

0

Dowladda Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay dhankeeda inay iyana soo celisay xidhiidhkii ay laheyd Dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay Wasaaradeeda Arimaha Dibada inay iyadu markii hore Soomaaliya Xiriirka  ujarin,sidaa awgeedna soo gelisey.

Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laaban doona Magaalada Nairobi iyo shaqadiisa.

Sidoo kale Lucas Tumbo ayaa waxa isna uu kusoo laabanayaa Safaarada Kenya Ee Muqdisho.

Galabta ayaa Dawlada Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inuu soo laabtay xiriirkii xumaaday kala dhaxeeyey Dawlada Kenya.