Home WARARKA 4 Arrin oo aan ka fahanay khudbadii Qalbi-Dhagax iyo Saameynta DALJIR.!!

4 Arrin oo aan ka fahanay khudbadii Qalbi-Dhagax iyo Saameynta DALJIR.!!

0
SHARE

Cabdikariin Sheekh Musse oo magac dheer Qalbi-dhagax maahan mid maqalkisu nagu cusub yahay. Tobanki bilood ee lasoo dhaafay xaaladdiisu waxay ahayd mid haraysay sheeko maalmeedka ummada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba.

27ki Agoosto 2017 ayay ahayd maalinti iigu horraysay ee aan maqlo magaciisa iyo jiritaankiisaba. Waa maalinti loo gacan galiyay cadowga Soomaaliyeed, waana maalin dhaawacday karaamadi ummadda soomaaliyeed daqarna ku dhufatay sharafta madaxda xilka hayso.

Soo dayntiisi ka dib wuxuu jeediyay qudbad isagoo joogo magaalada Nayroobi ee Kiinya. Qudbadaan ayaa ahayd mid aad loo sugayay maadaama la filayay inuu faahfaahin doono sideey wax u dhaceen iyo cidda sida rasmiga loogu eedayn karo dhiibistiisi. Waxaa si gooni ah loo naawilayay inuu bidhaamin doono kaalimihii ay madaxweynaha iyo raysul waraasruhu ka cayaareen dhiibistiisi iyo soo dayntiisi.

Xalay ayaan dhagaystay qudbadi oo duuban. Waxaa ka hormaray dad badan oo masuuliyiin ah kuwaas oo waddada usii xaaray hadalka masuulka loo hammuun qabay. Waxaa mikrafoonka kusoo dhaweeyay Yuusuf Xasan oo ah xildhibaan soomaaliyeed oo matalo xaafadda Kamaguuji ee Nayroobi.

Qalbi-dhagax oo hadalkiisi ku furay xamdi Eebbe salliga Suubbahana ayaa jeediyaya qudbad qiiro iyo xamaasad leh. Wuxuu ku hadalay cod fasiix ah, afsoomaali saafi ah iyo erayo loo meel dayay sifiicanna looga fiirsaday sida loo yiri. Dhowr qodob ayaan rabaa inaan ka iraahdo waxaan ka fahmay hadalkiisi.

Diblomaasi

Qalbi-dhagax hadalkiisu wuxuu ahaa mahad-celin uu u jeedinayay soomaalidi taageertay meel walba oo ay joogeen. Wuxuu isku dayay inuu ka fogaado inuu wax ka taabto arrimihi aadka loo sugayay ee ahaa cidda ka masuulka ahayd dhiibistiisi. Marki uu yara galay sidi lasoo qabtay iyo ihaanadi lagu sameeyay ayuu dhexda iska qabtay isagoo yiri “waxaan xamaasadaysanahay marka inuu hadal iga dhacdhaco ayaa laga yaabaa. Aan usoo noqodo mahad-naqaygi. Arrimahaas mar kale ayaan si faahfaahsan ooga hadli doona”.

Waxaa fiiro dheer mudan sida uu isu ilaalayay iyo sida uu isu qabtay isagoo dhiiggiisu aad ku kacsanyahay. Arrintaan maahan mid aan ku barannay soomaalida. Caadiyan waxaan naqaannay in qofka soomaaliga ah markuu dhib gaaro uu afka ku ciil baxo kuna hadlo erayo baabi’iyo taageeradi loo muujiyay. Xasuuso qudbadii Cabdiraxmaan CabdiShakuur uu jeediyay marki xabisga Xamar laga sii daayay.

Aragtidayda waxaa isoo baxday inay dhowr arrimood ay ka qayb qaateen habka uu u hadlay halyeey Qalbi-dhafax. kow, inuu helay lataliyayaal waxgarad ah kuwaas oo tusaaleeyay siduu u hadli lahaa. Labo, inuu yahay ruux daggan oo miisaan culus taasoo sahashay inuu qaato waanadi ciddi lasoo talisay, waayo hadduu yahay qof fudud wixii loo sheegayba inta illaawo ayuu bad gali lahaa.

Saddex inuu yahay nin yaqaan meesha laga hadlo, cidda lala hadlo iyo goorta la hadlo. Tusaale, inuu fahamsanaa inay ceeb tahay inuu hadallo dumarka iyo caruurta ka oohiyo uu jeediyo waqti lala faraxsanaa imaanshihiisa; iyo inuu dareensanaa in hadalkiisu qiimo beelayo haddii uu isagoo qiiraysan oo ilmaynayo uu shaqsiyaad magacaabo, taasoo ay u badnaan lahayd in laga soo qaado hadal uu yri nin ciil qabo oo xanaaqsan.

Afar, wuxuu sheegay in dhawaan la qori doono buug ku saabsan noloshiisa kasoo dabooli doono dhamaan su’aalihii loo baahnaa. Marka laga yabaabo inuu doonayay inuusan buugga ka hor dhicin waxa uu qabana isago dagan oo kaligiis iyo cidda ka qorayso kaliya ah uu yiraahdo waxa uu rabo taasoo u sahli karto in laga ilaaliyo gaf iyo khalad isaga ka dhaco. Iyo ugu danbayn inuu rabo inuu siyaasadda galo sidaas darteedna uusan ka dhicin hadal hadhow caqabad ku noqon doono.

Han siyaasadeed

Waxaa muuqatay inuu leeyahay han siyaasadeed oo sare. Wuxuu sheegay inuu sii wadi doono shaqadi caamka ahayd ee dadka soomaaliyeed u hahay, halganki iyo middaynta soomaalida. Taasoo ka dhigan kama bixin arrimihii siyaasadda. Laakiin waxaa muuqato inuu baddalay qaabki halganku ahaa oo wuxuu yiri waxaan aaminsanahay in xalka lagu raadiyo wadahadal, lagana fogaado dagaal aan dhammaad laahyn oo aan waxba keenayn.

Hadalkaan ayaa muuqaday inuu ku tilmaamayo inuu ka tanaasulay halganki hubaysnaa ee uu muddada kusoo jiray taasoo u oggolaan karto inuu qayb ka noqdo xisbiyada siyaasadeed ee ka jiro dhulalka soomaaliyeed. Waxaanse kala caddayn inuu rabo inuu usoo istaago hanashada kursiga madaxweyne ee Soomaaliya iyo inuu rabo inuu u tafa xayto sidii uu Soomaaligalbeed xornimo u gaarsiin lahaa isagoo marayo hab ka duwan kii hore.

Mahadnaqi iyo ammaanti uu u jeediyay raysulwasaaraha Itoobiya, sheegidiisa inuu sii wadayo halgankii xornimo doonka Soomaaligalbeed iyo bidhaamintiisa inuu ka tanaasulay halgankii hubaysnaa waxay tusayaan inuu rabo inuu kasoo dhex muuqdo siyaasadda Soomaaligalbeed.

Dhinaca kale, hadalkiisi uu ku caddeeyay inuu yahay muwaaddin soomaaliyeed, doonayo horumarinta iyo samata-bixinteeda iyo isu keenidda soomaalida; ammaanta uu jeediayay Soomaalilaan (Soomaalilaand waa meeshi ay ka billaabatay dhiibisti mujaahidiinta ONF, tirada ugu badanna laga dhiibay) iyo ugu yeeriddisi soomaalida kale inay horumarka kaga daydaan Soomaalilaan waxay tilmaamaysaa inuu leeyahay hammi ka sarreeyo mid gobal uuna doonayo inuu kasoo muuqdo loollanka kurisga madaxweynaha Soomaaliya. Kuu yahay waqtigaa sheegi.

Saamaynta Daljir

Ilaa maalintuu yimid Nayroobi waxaa hoosta ooga jiray xisbiga ku kacsan dowladda ee Daljir. Waxaa muuqato inaysan wali ku guulaysan waxay ka rabeen oo ahayd helidda xog ay ku dagaal galaan. Hasa ahaatee waxaa jiray erayo tilmaamayay inay si un u saameeyeen. Tusaale, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu dalka oo dhan safar dhulka ah ku mari doono. Wuxuu sheegay inuu safarkaas ka billaabi doono Dhuusomareeb, Boosaaso sii mari doono ilaa Dumayra uuu tagi doono.

Ma uusan soo qaadin inuu Xamar tagi doono. Haddii uu Soomaaliya wada marayo Xamar ayay ahayd meesha mudan bilowga. Sababta keentay inuu Dhuusomareeb oo xarun u ah meeshi laga soo qabtay dhibka ugu badanna ONF loogu gaystay ka billaabo safarkisaa waxaan tuhmayaa inay tahay talo ka timid Daljir isaguna uu aqbalay si uu iyaga u qanciyo.

Meel Su’aal mudan

Guud ahaan hadalka Qalbi-dhagax waa hufnaa, wuxuuna ahaa hadal ku habboon saacaddi uu hadlay. Hasa ahaatee waxaa jirtay meel aan is iri maxaa wacay inuu sidaas yeelo. Mar uu ka hadlayay halganka gobonima doonka soomaalida wuxuu sheegay inuu soo bilowday qarnigii lix iyo tobnaad ila maantana uu socdo. Kacdoonnadi kala duwanaa ee waqtiyadaas dhacay mid walba wuxuu ku cabbiray hoggamiyihii dagaalkaas marki laga reebo kii 77.

Tusaale, wuxuu yiri halgankii Axmed Gurey, Halgankii Sayid Maxamed laakiin markii usoo gaaray halgaankii 77 wuxuu yiri dagaalkii ay qaadeen ciidamada iyo shacabka soomaaliyeed, afkiisana waa uu ka ilaaliyay inuu sheego Maxamed Siyaad oo dagaalkaas hoggaaminayay. Dhibaatooyin badanba ha laga tirsadee inuu Maxamed Siyaad dagaalkaas qaaday cidna dood kama qabto intaan ogahay, marka ammaan iyo dhaliilba isagaa iska lahaa hoggaanka dagaalkaas.

Iima cadda sababta. Laga yaabo inuu raali galinayay qaarka mid ah dadka dhagaysanayay ama dhagaysan doono oo Maxamed Siyaad dhib ka tabanayay. Haddana waxaan is iri ma sayid Maxamed ayaa ammaan loo wada hayaa. Waxaa dhici karto inuu qaatay dhaqanka soomaaliyeed ee ah in qofkii uu khalad ka dhaco la xaqiro wanaaggiisi oo khaladka kaliya la sheego. Haddana waxaan is iri ma Sayid Maxamed ayaa khalad yaraa mise Axmed Gureey ayaa macsuum ahaa.

Ujeedkaygu maahan inaan isbarbardhigo hoggaamiyayashaas noolaa waqtiyo kala duwan kuna noolaa duruufo kala duwan ee waxaan isku dayayaa inaan fahmo sababta keentay inuu doorto qaabka usoo gudbiyay dhacdooyinkaan maadaama uu iila muuqdo nin hubo waxa uu ku hadlayo.

Ugu danbayn, soo daynta Qalbi-dhagax waa faraj Ilaahay furay. Inkastoo dhiibistii ay tahay nabar ku dhacay Soomaalida oo aan waligiis bogsan doonin, haddana waxaa kasii darnaan lahayd isagoo xabsi ku dhinto. Sida uu isaguba sheegay waxaan rajayanayaa inay noqoto musiibadii ugu danbaysay ee nagu dhacdo.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE