Xubin Katirsan Gudiga Doorashooyinka Qaranka Oo Cudurka Covid 19 Laga Helay

0

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegaya in la fasaxay Shaqaalaha Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka kadib Halis Caafimaad oo laga cabsi qaaday.

Gabi ahaan shaqaalaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ayaa la fasaxay kadib markii Agaasimaha waaxda sharciyada ee Guddiga doorashooyinka madaxa banaan Abdinaasir Maxamed Xirsi lagu arkay calaamadaha cudurka COVID-19 hadana lagu karantiiley isbitaalka Martini.

Dhanka kale isbitaalka Martiini ayaa hadda ay ka jirtaa xaalad adag oo ku aadan qalab yaraan, si gaar ah xaga Ventilator-ka taas darteedna hal qof ayaa ugu yeeriyoodey Digfer Hospital markii wasaaradu ay caddeeysay inaanay heli karin Wax Oksijiin ah.

Cabsida Cudurka Corono ayaa meel sare gaaray iyadoo inta badan Shaqaalaha Hay’adaha Dawlada la sheegay in la fasixi doono.