35 Haween lagu xiray Soomaaliland Arinta Calanka Soomaaliya oo maanta…

0

Waxaa maanta laga sii daayey xabsi ku yaalla Magaalada Gabiley haween dhawaan laga soo xiray Magaalada Boorama kadib markii ay ku labisteen calanka Soomaaliya.

Dedaalo la sameeyey kadib ayey xukuumada soomaaliland waxay ogolaatay sii deynta haweenkaan oo tiradooda gaareysay 35 laguna war geliyey inaysan mar kale ku xad gudbin qaranimada Soomaaliland.

Intii lagu jiray dabaal degii maalmaha 26-ka June iyo 1-da Luuliyo ayaa waxa jiray in Haween badan loo xiray inay soo xirteen dhar laga tolay calanka Soomaaliya taas oo ciidamada Amaanka Soomaaliland ay howlgalo ay sameeyeen ku xiray 45 haween ah magaalooyin kala duwan.

Shalay Axadii warbixin xarunta xuquuqul insaanka ee fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay ay ku dalbadeen in lasii daayo 42 Haween ah oo Xabsiyo kala duwan lagu xiray Soomaaliland iyagoo loo heystay inay ku labisteen Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya.

Dhowr jeer ayaa waxa deegaanada Soomaaliland loogu xiray rag iyo dumar calanka soomaaliya ku dhex qaatay.