3 arin oo amniga muqdisho loo sugi la’yahay & NISA oo qorshihii bedeshay

0

Inta badan waxaa la arkaa in magaalada muqdisho oo ah caasimada dalka islamarkaana ay dawladdu ku shaqeyso hadana ay weeraro argagaxiso ka dhacaan,taas oo khasaaro kala duwan ka dhashaan.

Su’aasha ugu weyn ayaa ah yaa fududeeya weerarada argagaxisadu ka fuliyaan Caasimada Xamar? jawaabta la bixiyo ayaana wax kasta lagu qiimeyn karaa.

Qaraxyada ismiidaaminta ah ee lagu beegsado xarumaha ganacsi iyo xafiisyada dawladdu waxay muddo sanado ah soo ahaayeen kuwo joogto udhaca dhowrkii bil ama dhowrkii sanaba mar.

Kooxda Al Shabaab ayaa uga jeeda weeraradaas inay muujiyaan inay yihiin kuwo weli nool oo dagaalka ay wajahayaan aysan isku dhiibin,balse waxa ugu weyn ahaa ah maxaa cashar looga baran weeraradii hore ay ugu soo qaadeen Muqdisho.

Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo shalay la beegsaday ayey shabaab muddo saacado ah ka dhex dagaalamayeen 5 naftood haligeyaal ah oo ay soo direen iyo mid lixaad oo qarax ismiidaamin ah fuliyey bilowgii weerarka.

3 Caqabad ayaa jirta oo Amniga caasimada Muqdisho loo sugi la’yahay waxaana ay kala yihiin:

1: Muqdisho baraha koontaroolada ciidamada fadhiya ma aha kuwo waddaniyadii dalka ay udhaarteen inay difaacaan ku shaqeeya,taas oo lacago lasiiyo kadibna ay gudbiyaan gaadiidka ay argagaxisada qaraxyada kusoo daabulaan.

2: Saraakiil iyo xubno kale oo hay’addaha dawlada ku jira oo Al Shabaab ufududeeya weerada meelaha ay bartilmaameedka ka dhiganayaan.

3: Shabaab oo sirdoon ahaan ka xoog badan sirdoonka NISA ee dawladda taas oo keentay inay si fudud uhelaan xogaha iyo xubnaha ay bartilmaameedsanayaan oo ay sidaas ku qaadaan weerarka.

Xogaha soo baxaya iminka ayaa waxay sheegayaan in Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad uu bedelay qorshihiisii amniga Muqdisho iyadoo Saraakiil cusub loo xilsaaray inay nabad gelyada xamar isbadel deg deg ah ka keenaan.

Dhalinyaro dhar cad ah (Ilaalada Shacabka) ayaa la sheegay in xaafadaha qaar ee magaalada muqdisho lagu soo daadiyey,kuwaas oo la rabo inay deg deg ay xasiloonida uga shaqeeyaan.

Al Shabaab oo lagu jebiyey gobollada dalka ayaa deegaano badan laga saaray balse waxay hadda umuuqdaan in ay soo galayaan magaalooyinka ay muqdisho ka mid tahay.