Home RA’YIGA 20 Sep 2018 Miyaanan U Aqoonsan Karin Maalinta La Dagaallanka Heyb...

20 Sep 2018 Miyaanan U Aqoonsan Karin Maalinta La Dagaallanka Heyb Sooca?

0
SHARE

Waa maxay hayb sooca ama sinji takoorka lagu hayo Dadka ka tirsan Bulshada Soomaaliyeed?!

Dhaqankani oo ah mid soo jireen ah haddana waxaa muhiim ah si loo gaaro guulo umaddeed oo xagga heerka nolosha ah in la helo siyaasad qaran oo lagu ciribtirayo jinsi nacaybka.

Waa in laga la dagaallamaa meel kasta oo kamid ah Soomaaliya si bulshada oo dhami ay ugu wada noolaato si siman iyagoo aaminaya in dalka ay u siman yihiin.

Waa mid si cad uga soo horjeeda waxyaabaha ay ina farayso diinta Islaamka ee muqaddaska ah ee ka Soomaali ahaan aan aaminsannahay iyo dhaqanka wanaagsan ee ku dhisan darisnimada iyo wada noolaanshiyaha ummadeed.

Waa dhaqan soo jireen ah oo aan garawshiyo lahayn ayna ka siman tahay guud ahaanba Soomaalidu meel kasta oo ay ku nooshahay.

Waa xadgudub iyo godob weyn oo laga galayo qayb ka mid ah Bulshada Soomaalida oo haba yaraatee aanay jirin wax ay kaga geddisan yihiin bulshada inteeda kale iyagoo magacyo gaar ah loogu yeero sida Jareer, Midgaan, Tumaal IWM.

Dhaqankani xun ee hayb sooca ku dhisan oo ay Soomaalidu ku soo dhaqmaysay muddo dheer ayaa haddana inta ka dhiidhiday dhaqankani wuxuushnimada culumo iyo caamo mid kay doontaba ha ahaatee ay aad u yar yihiin waa in la helaa dad u istaaga oo joojiya dhaqankani si gebigiisba loo ciribtiro.

Burburkii kaddib, xukuumadihii dalka soo maray ma jirin dowlad isku dayday inay sameeyso siyaasad qaran oo lagaga hortagayo arrintani, taasoo maanta soo gaartay in qof nool loo gubo.

Haddaba, muddooyinkan dambe waxaa jirtay in Soomaali badani ay dareemeen dhibta iyo xaqiraadda lagu hayo qabiilooyinka qaarkood waxaana gaboodfalladaasi kamid ah hayb sooc aan macno ku dhisnayn, oo qeybtaasi bulshada kamid ah ay la kulanto.

Waa inay billaabataa ka hortagga heyb sooca iyo jinsi nacaybka taasoo laga wacyigalinayo bulshada guud ahaanteed waana inay arrintaas u howlgalaan ururrada u dooda xuquuqda aadanaha iyo bahda saxaafadda, si loo ciribtiro.

Todobaadkii hore, magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dil aad looga naxay oo loo gaystay nin shacab ah oo la yiraahdo Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo), isagoo dilkaa ku mutaystay dhaqanka xun ee hayb sooca oo suntan arrin guur la xiriirta, waxaana lagu Kala kacay in la dilo oo haddana la gubay, iyadoo waxaas oo dhan uu ula kulmay dhaqankaasi sux ee hayb sooca jinsiga.

Arrinkani ku dhisan hayb sooca foosha xun wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku beeray dareen ka duwan dadka caadiga ah sida siyaasiyiin, Culumada, bahda warbaahinta,
dumarka iyo dhallinyarada, waxay ka naxeen dilkaa qofkaas Soomaaliga ah oo haddana muslimka ah in nolosha lagu gubo.

Dilka la dilay Axmed Dowlo waxaa uu ku muteeystay markii wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabadh ka dhalatay mid kamid ah beelaha Soomaalida.

Suurtagal ma tahau in dilkaasi heyb sooca ku salleysan uu sabab u noqdo kacdoon lagu la dagaallamo dhaqanka xun ee nacaybka jinsiga oo nolosha bulshada saameyn aan yareyn ku dhex leh.

Adduunyada aan ku nool nahay waxay soo martay taariikh heyb sooc oo kala gaddisan taasoo ku dhisan dhinac diinta ah, dhinac midabka ah iyo dhinaca Faqriga ah.

Waxaas oo dhan umaddihii ay ka dhex jireen waxaa u kacay dad ka dhashay oo ku guuleystay inay ciribtiraan dhaqankaasi ka baxsan xeerarka beni’aadanimada.

Haddaba, su’aasha aan jawaabta u waayay waxaa weeye, miyaanan ka bulsho ahaan Soomaalida laga dhex heli karin dad garowsada inay u kacaan ciribtirka hayb sooca jinsiga, iyadoo aan xasuusannahay in umaddaha ku guuleystay ciribtirka dhaqankani ay qaar badan oo kamid ah Muslimiin ahayn?!

Waxaa diyaariyey Aqoonyahan Soomaaliyeed kana faallooda siyaasadda geeska Afrika, tan Soomaaliya iyo reer Galbeed, mudda 30 sano ahna ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya, Danjire Maxamed Caalim.

Email: Caalim68@hotmail.com

Telfoon: +358458712195

Helisink, Finland.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE