2 diyaarad oo maanta hawada laga soo celiyey xilli ay kusii jeedeen Baydhabo

0

Labo diyaarad oo barqanimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga soo celiyey mar ay ku dhawaayeen Magaalada Baydhabo.

Diyaaradaha oo kala ahaa Halla Airline iyo Blue Sky ayaa hawada lagu amray inay ka laabtaan iyagoo ka degi rabay Magaalada baydhabo Janaay Caasimada Gobolka Bay.

Waxay rakaabkii la socday diyaaradahaasi kusoo laabteen Muqdisho,iyagoo aan la faah faahin sababta loo soo celiyey.

Diyaaradahaan ayaa warar la helay ay sheegayaan in ay saarnaayeen ama ay la socdeen dad aysan maamulka koonfur galbeed ku qancin tegitaankooda Baydhabo waana mida keentay in hawada laga celiyo.

Wasaarada Gaadiidka & Duulistada Hawada Koonfur Galbeed ayaa laheyd amarka ah in diyaaradahaan dib looga soo celiyo hawada Baydhabo oo ay ku dhawaayeen.

Ma jirto war kasoo baxay shirkadaha diyaaradaha lasoo celiyey iyo Hay’ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay kaga warbixineyso arinta maanta dhacday.

Todobaadyo ka hor waxaa Kismaayo hawadeeda laga soo celiyey diyaarad uu la socday Lataliyaha Madaxweyne farmaajo dhinaca Doorashada uqaabilsan Cabdi Cali Raage oo doonayey inuu isku sharaxo kursiga golaha Shacbaka.