Home WARARKA 17 Dhalinyaro Soomaali ah oo la Dhigay Xabsiyada Dalka Masar & Sababta...

17 Dhalinyaro Soomaali ah oo la Dhigay Xabsiyada Dalka Masar & Sababta oo la Ogaaday

0
SHARE

17 Dhalin yaro Soomaali ah ayaa lagu xeray dalka Masar dhalinyaradaas waxaa ku jira qaar haysta dhalasho wadamo kale, waxaana hadda socda dadaalo lagu soo deynayo dhalinyaradan oo ay wadaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Dhalinyaradaan ayaa laga qab qabtay Degmada Nasri City oo Soomaalida ay ku badantay.

Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar.

Maxamed Cabaas oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa sheegay In dhalinyarda  la qab qabtay tiradooda ay tahay 17 waxay isugu jiraan Arday iyo Qaxooti, wuxuuna tilmaamay in aynan garaneynin ilaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigooda.

Dowlada Masar ayaa sanadkaanba waday qorshe  ay xabsiyada ku dhigeyso ajaanibta dalkeeda ku sugan ee aanan heysan deganaanshaha dalkaasi.

Dalka Masar ayaa waxaa ku nool Boqolaal kun oo qof oo Soomaali ah kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan u jooga halkaasi, kuna heysta nolol ku filan.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE