14 sano kadib ciidamada gor gor oo safar dhulka ah ku tegay Dh/mareeb

0

Gaadiid Dowlo oo ka tagay Muqdisho siina maray wadada muddo 14 Sano ka dib ah, ayaa gaaray Degmada Guriceel si halkaas looga furo aag dagaal oo ku wajahan Wabxo.

Waxaa cajiib ah in dhul ku fadhiya Kismaanyo iyo Gaalkacyo oo baaxad ahaan dhan 1197 KM in ay ka howlgalayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u badan Gorgor iyo Danab.

Ciidanka baaxaddaas iyo awooddaas leh waxaa lagu diyaariyay, lagu tabobaray, lagu qalabeeyay, hoggaan adag oo dhallinyaro ah loogu sameeyay, lagu howlgaliyay oo lagu qabtay deegaano badan oo Shabeelada hoose ah muddo gaaban oo 4 Sano ah.

Dhismaha Ciidan Soomaaliyeed oo xoog leh xuquuqdiisana aan ka walwalin waa dhaxal lagu xasuusan doono Madaxweyne Farmaajo, Gobbannimada ayaana ku jirta in xataa qofka aad fikir ahaan diidantahay u qirto dhaxalkiisa iyo libintiisa, si la mid ah sida aad ugu qorto dhaliishiisa oo kale.

Dowlad kasta oo dalka timaada wax unbeey ku sii dartaa halkii ay kaga tagtay dowladdii hore.