Waxaa wali hakad ku jira wadahaladii u socday Dowladda Federalka iyo maamul Goboleedyada dalka kuwaa oo ka socday Afisiyooni islamarkana aad looga war sugayay maalmihii ugu dambeeyay iyadoo dowladda Federalka ay ku dhawaaqday inuu burburay.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa durbadiiba arrintaas si kulul kaga falceliyay iyagoo dowladda ku eedeeyay iney shirka ugu talagashay inuusan guuleysan islamakana aysan ka war qabin meel uu ku fashilmay waxaana ay xuseen in shirka uu ahaa mid sicda oo la isku soo dhawaanayay.
Beesha Caalamka iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida iney shirka dib ugu laabtaan si loo heshiiyo iyo in dhinacyada ay tanaasul sameeyaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xalay qoraal kulul u dirtay Golaha Aamaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku wargelisay in doorashada ay yihiin kuwa ay yaalla Soomaaliya, oo aysan shaqo ku lahayn cid kale.
Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku tiri “Doorashooyinka qaranka Soomaaliya, si la mid ah dal kasta oo madax-banaan waa arrin qaran, oo ay maamulaan islamarkaana go’aan ka gaaraan hay’adaha qaranka, sida uu qabo Xeerka No.30 ee uu meel mariyey baarlamanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda uu muuqata mid si weyn u dureysa Beesha Caalamka si ay isaga yareyso cadaadiska faraha badan ee kaga imaanaya ayaa waxa bayaankeeda ku tiri “Dowladda federaalkaa ee Soomaaliya waxay u aragtaa faro-gelin kasta oo jilayaal dibedda ah ku sameeyaan hanaanka doorashooyinka qaranka inay tahay faro-gelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaheena gudaha, taasi oo jebineysa qaraarada Golaha Ammaanka, xeerarka caalamiga ah iyo sharciyada.”
Hadaba maxaa ka dhalan kara go’aanka ay soo saartay Dowladda Federalka.
1: In la joojiyo dhaqaalihii uu caalamka ku bixin jiray dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.
2: In la istaajio taageerada dhaqaale ee Soomaaliya ka hesho hay’adaha caalamiga ah.
3: In ay meesha ka baxdo deyn cafintii Soomaaliya oo heer kala duwan soo martay islamarkaana hadda mareysa heer gabo gabo ah.
4: In la cunaqabteeyo madaxda Soomaalida gaar ahaan kuwa dowladda Federalka, cunaqabteyn safar iyo mid dhaqaale in lagu soo rogo.
5: In Dowladda lagu qabso iney doorasho ku qabato si deg deg ah islamarkana ay la wareegto hogaankeeda Beesha Caalamka.
6: In Dowladda Farmaajo lagu aamini waayo doorashada oo lala aado Jabuuti iyo Kampala islamarkana dib loogu laabto nidaamkii 200.
7: In loo arko Farmaajo oo musharax ah in laga reebo tartanka doorashada hadii dalka lagu qabanayo.
8: Waxaa suuragal ah in ciidanka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika in lagu qasbo iney ka baxaan ilaalinta xarumaha dowladda iyo madaxda Soomaalida.
9: Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale hadii ay ku adkeysto in sidan ay doorasho ku gasho waxaa suuragal ahaan karta in aysan helin wadashaqeynta caalamiga ah.
10: Ugu damneyn waxaa suuragal in Soomaaliya lagu celiyo ku meel gaarnimo loona aqoonsado dowlad fashilantay sidaas darteedna ay weyso xiriir caalami ah hadii xukunka xoog uu heysto madaxweynaha oo laga yaabo inuu ku dhufsado muddo kororsi ay Baarlamaanka sameeyaan.
By: Abdiaziz Loyal