Home WARARKA XOG: Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Kheyre Oo La Filayo Inuu Is Casilo

XOG: Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Kheyre Oo La Filayo Inuu Is Casilo

0
SHARE

Xog hoose oo ay heshay Warqaad.com ayaa sheegeysa in wasiir ka tirsan xukuumadda Xasan Cali Kheyre is casili doono maalmaha soo aadan.

Ilo wareedyo ku dhow wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa inoo sheegay in wasiirka uu doonayo in shaqadaasi iska casilo.

Sababta wasiirka isku casilayo ayaa naloogu sheegay iney tahay markii uu ogaaday in shaqsiga xiga ee Kheyre shaqada ka eryi doono inuu isaga yahay.

Islow ayaa laga yaabaa inuu is casilo marka la magacabo taliyeyaasha Booliiska iyo NISA, waxaana laga yaabaa in is casilaaddiisa kasoo hormarto magacaabistooda.

Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr wasiir shaqada ka ceyriyey muddo Sanad gudahooda ah, kadib markii uu ku eedeeyay shaqo xumo.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE