Home WARARKA XOG: Waa Kuwee Dalalka Kale Ee La Filayo In Soomaaliya u Saxiixaan...

XOG: Waa Kuwee Dalalka Kale Ee La Filayo In Soomaaliya u Saxiixaan Boqolaal Milyan Oo Mashaariic Ah

0
SHARE

Sida aan ogaannay waxaa jira dalal kale oo dhowana la filayo in Soomaaliya ay u saxiixaan Boqolaal Milyan oo doolarka Maraykanka ah, waxaana lacagtaasi lagu fulin doonaa shaqoo badan oo muhiim ah.

Xogta ay heshay Warqaad.com ayaa waxay sheegayaan in dalalka kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Turkiga, UK, Denmark, Italy, Germany iyo kuwo kale oo lasoo koobi karin ay maalmaha soo aadan ay DFS la saxiixan doonaan heshiisyo ku kacaya Boqolaal Milyan oo doolar.

Heshiisyadan waa kuwo aad u muhiim ah, waxaana ay dan weyn ugu jirtaa Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda hoggaamineysa.

Waxaa dhismi doona dalka, waxaana dhallinyaradu ay heli doonaan shaqooyin badan oo kala duwan.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE