Home WARARKA XOG: Shariif Xasan oo Sakiintiisa la soo baxay & Kheyre oo Qorshe...

XOG: Shariif Xasan oo Sakiintiisa la soo baxay & Kheyre oo Qorshe halis ah loo dagay

0
SHARE

Xog ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana kulanka uu ku saleysnaa inay u hormuud ka noqdaan xildhibaanada doonaya inay ridaan Xukuumada Soomaaliya.

Khilaaf xoogan oo ka dhaxeeya Shariif iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sabab u noqonaya in Xildhibaanada uu ku booriyo inay ka soo horjeestaan Kheyre.

Labadaan masuul ayaa aad isku khilaafay markii Xildhibaano Mooshin ka wada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, taas uu ka carooday Shariif Xasan.

Xaalada adag oo ku dhex jirto xukuumada Kheyre ayuu kaga faa’iideysanayaa Shariif Xasan oo lagu yaqaano siyaasad dano gaara ku saleysan.

Kulanka ka dib ayaa Xildhibaanada iyo Madaxweynaha waxay isla garteen inaysan taageerin Go’aankii xukuumada ka qaatay arinta Qalbi dhagax, iyagoo xulufeysana xildhibaanada kale ee ka soo horjeeda.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE