Home WARARKA XOG RASMI AH: M/weyne Shariif Xasan oo ku Wajahan Mukhtaar Roobow

XOG RASMI AH: M/weyne Shariif Xasan oo ku Wajahan Mukhtaar Roobow

0
SHARE

Warar aan ka heleyno Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku waramaya in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan uu maanta safar ku tagayo degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Safarkiisa waxaa ku wehlin doona Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarkaan ayaa lagu sheegay in ay qeyb tahay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Daacada u ah Shabaab iyo Muktaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku dagaalamaya Deegaanka Abal sidoo kalena wararka qaar ayaa sheegaya inuu safarkiisa la xiriiro shaqooyinka maamulka ah.

Safarkaan Shariif Xasan ku aadayo Xudur, wuxuu kusoo beegmayaa xilli wasiiro ka tirsan maamulkiisa ay ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanka Abal oo ay ku dagaallameen dhowaan Al-shabaab iyo ciidanka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE