Home WARARKA XOG: Qadar Oo Turkiga Ka Taageereysa Sidii Dalka Looga Saari Lahaa Imaaraadka

XOG: Qadar Oo Turkiga Ka Taageereysa Sidii Dalka Looga Saari Lahaa Imaaraadka

0
SHARE

Dowladda Qadar ayaa hadda waxay  daacad u noqotay garab istaagga dowladda Turkiga,  kadib markii ay kasoo horjeesteen dalalkii ay isku haleyn jirtay, kana mid ahaayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Maadaama Imaaraadka tartan xooggan kula jiro Turkiga, Qadarna ay markii hore Turkiga kula tartamaysan Muqdisho waxay go’aansadeen in tartanka kaliya uu noqdo Laba dhinac.

Waxay dowladdan isku dhiibtay Turkiga si ay uga miro dhaliyaan in Imaaraadka laga saaro meelaha hadda dalka uu kaga sugan yahay.

Ulajeedka ayaa ah in Turkiga la wareego duud ahaan dekadaha dalka ku yaalla, wxuuna ulajeedka yahay sidii Imaaraadka looga careysiin lahaa, iyadoo maamul goboleedyadana lasiin doono lacag ka badan kuwii la siiyay.

Tartanka dalalkaan ayaa noqday Soomaaliya gudaheeda, marka si loo eego dano waaweyn ayuu dalka ku qabaa, marka si loo eegana waa dhibaato usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE