Home WARARKA XOG: Kheyre Oo Isna Safar Lagu Bareejeynayo Farmajo Ku Aadi Doono Gobollada...

XOG: Kheyre Oo Isna Safar Lagu Bareejeynayo Farmajo Ku Aadi Doono Gobollada Dalk Qaarkood

0
SHARE

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna la filayaa in qaar kamid ah gobollada dalka uu ku aado safar la sheegay in lagu bareejeenayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha aadi doonaa deegaano kamid ah gobollada K/galbeed, Hirshabelle iyo sidoo kale Galmudug.

Ulajeedka ayaa ah inuu soo kormeero xaaladda guud ee gobolladaasi, wuxuuna sidoo kale doonmayaa Kheyre inuu la kulmo madaxda iyo shacabka maamul goboleedyada uu ku wajahan yahay.

Safarkaan ayaa daba socda midka Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmajo ku tagay Puntland, lana filayo Galmudugna inuu kusoo maro.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE